Bilyaneer u dhashay dalka Japan oo dalxiis ku tagaya Dayaxa
Dayax gacmeedka BFR ayaa qaadi doona bani aadanka safarka ku tagaya dayaxa
Shirkadda SpaceX ee uu leeyahay ganacsadaha lagu magacaabo Elon Musk ayaa shaaca ka qaadday magaca qofkii ugu horreeyay ee si gaar ah, isagoo rakaab ah ugu soo dul wareega dayaxa.
Bilyaneer u dhashay dalka Japan ahna maal qabeen ka ganacsada naqshadaha dharka ee lagu iibiyo internet-ka oo lagu magacaabo Yusaku Maezawa, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay qofka billaabaya booqashada caadiga ah ee dayaxa ku wajahan.
Ninkaan oo 42 sano jir ah ayaa yiri "Waxaan doortay inaan aado Dayaxa."
Waxaa la filayaa inuu raaco dayax gacmeed lagu magacaabo Big Falcon Rocket (BFR), oo farsameyntiisa ay shirkadda Mr Musk shaacisay sannadkii 2016-kii.
Safarka lagu aadayo dayaxa oo hadda qorshihiisu uu yahay sannadka 2023-ka ayaa noqon doonaa kii ugu horreeyay ee ay bani'aadanka ku tagaan dayaxa tan iyo sannadkii 1972-kii, xilligaasoo dayax gacmeedka Apollo 17 ee Mareykanka uu caga dhigtay dayaxa.