Magaceygu waa Bilal, fadlan ha iigu yeerina Billy'
Ninka ka shaqeeya dhanka internet-ka ee lagu magacaabo Bilal Harry Khan ayaa ka hadlaya caqabadihii uu magaciisa kala kulmay intii uu ku soo korayay dalka Ingiriiska wuxuuna dadka ka codsaday in ay ku dadaalaan qabashada magacyada aysan horay ula qabsannin.
Anigoo sagaal sano jir ah ayey hooyadey ii kaxeysay suuqa. Waxaan tagnay Dukaan buugaagta lagu iibiyo oo ku yaalla suuqa Shepherd ee galbeedka London.
Dukaankaas waxaa lahaa nin heysta diinta Rastafari ee ay ku dhaqmaan qaar ka mid ah dadka u dhashay Jamaica. Wuu ii yimid wuxuuna igu yidhi, "Magacaa?"
Si deg deg ah ayaa ugu jawaabay, "aniga lama hadlo dadka aanan aqoonin."
Laakiin isla markiiba waxaa noo timid hooyadey. Waxaan dareemay kalsooni, waxaana idhi, "Magaceygu waa Bilal."
Ninkii ayaa yidhi, "Waa magac aad u awood badan. Ma taqaannaa Bilaalkii caanka ahaa?"
Waxaa idhi, "Maya."
Wuu iiga sheekeeyay. Wuxuu ii sheegay inuu jiray Bilal ibnu Rabaaxa oo ka soo jeeday Itoobiya, kaas oo isagoo addoon ah ku dhashay magaalada Maka sannadkii 580 AD.
Waxaan niyadda iska idhi, "Waaw waa sheeko cajiib ah."
Ninkii dukaanlaha ahaa wuxuu ii sii sheegay inuu Bilal lahaan jiray cod qurux badan uuna nabiga CSW u soo xushay inuu mu'adin u noqdo.