NASA oo hawada sare u dirtay dayax gacmeed "qorraxda soo taaban doona"
Muuqaalka Dayax-gacmeedka
Dayaxgacmeedka oo la yiraahdo Parker Solar Probe oo laga tuuray Cape Canaveral, Florida, waxaa tuuray 3 gantaal oo xoog leh oo ah nooca Delta-IV, ka dib markii shalay dib loo dhigay.
Hay'adda Maraykanka u qaabilsan hawada sare ee NASA ayaa sheegtay inuu qorraxda u jirsan doono masaafo aan waligeed horay loo gaarin.
Tallaabadaan ayaa loo qaaday in baaritaan lagu soo sameeyo sababaha keena qaraxyo inay sameyso qorraxda, sida ay sheegeen saynisyahanno.
Dayax gacmeedkan qorraxda u dhawaanaya ayaa noqon doona sheygii ugu xawaaraha dheeraa ee ay abid bani'aadanku sameeyaan.
Macluumaadka uu soo uruuriyo ayaa la filayaa in lagu ogaado dabeecadaha qorraxda ee muddada dheer la garan la'aa.