Shaheen Bagh: Ayeeyada u doodeysay muslimiinta ee lagu soo daray liiska lama filaanka ah
Bilkis waxay qeyb ka ahayd dumar si nabad ah uga mudaharaadayay sharciga dhalashada, oo ku sugnaa deegaanka Shaheen Bagh
Haweeney 82 jir ah oo u dhalatay dalka Hindiya - oo wajigeeda uu ka dhex muuqday mudaharaadyo muddo dheer ka socday Hindiya - ayaa lagu soo daray liiska Majalladda Time ee lagu xuso 100-ka "qof ee ugu saameynta badnaa 2020-ka".
Bilkis waxay ka mid ahayd koox haween ah oo si nabad ah uga mudaharaaday sharciga muranka dhaliyay ee Dhalashada.
Ra'iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, iyo Atooraha shirkadda filimada Bollywood-ka, Ayushmann Khurana, ayaa sidoo kale kasoo muuqday liiskaas.
Liiska sannadlaha ah waxaxaa lagu soo koobaa ganacsato, hoggaamiyeyaal iyo dad hormuud ah oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaasoo sameeyay saameyn muuqata.
Taariikh nololeedka Bilkis, oo Hindiya looga yaqaanno 'Didi' (Ayeeyo oo luqadda Hindiga ah), waxaa qoray haweeneyda wariyaha reer Hindiya ee lagu magacaabo Rana Ayyub, waxayna ku qeexday inay "cod u tahay dadka la qadiyay".
"Bilkis waxay rajo iyo awood siisay dadka xuquuqda rayidka u dooda iyo hoggaamiyeyaasha ardayda, kuwaasoo dhammaantood xabsiga loo taxaabay markii ay ka falceliyeen xad-gudubka dimuqraaddiyadda. Waxay sidoo kale dhiirrigalisay dadka u mudaharaadaya sida nabadda ah," ayey qoraalkeeda ku tidhi Ms Ayyub.
Wax yar kaddib markii lagu dhawaaqay in Bilkis magaceeda uu ku jiro liiska dadka ugu saameynta badan, waxaa Twitter-ka ka billowday ol'ole loogu dabaaldagayo iyada iyo deegaankii ay ku mudaharaadeysay.
Dad aad u badan ayaa ugu hambalyeeyay guusha usoo hoyatay.
Jilaaga Bollywood-ka, Onir, oo Twitterkiisa ku xusay, ayaa ku tilmaamay inay tahay "geesinnimo, dhiirrigalin iyo cod kasoo jeeda deegaanka Shaheen Bagh".
Qareenka lagu magacaabo Karuna Nundy ayaa isagana Twitter-ka kusoo qoray in dooddii ay Bilkis ka qabtay sharciga lagu soo daray dastuurka ay ahay mid ka mid ah kuwii ugu dhiirrigalinta badnaa sannadkan.
Haween kasoo jeeda dhammaan qeybaha bulshada ayaa ka qeyb galay mudaharaadkii looga soo horjeeday sharciga dhalshada ee ka dhacay Shaheen Bagh
Shaheen Bagh, oo ah deegaan ay muslimiinta u badan yihiin - muddo dheerna uu ka socday mudaharaadka nabadeysan ee ka dhanka ahaa sharciga dhalashada ee muranka dhaliyay - ayaa soo jiitay taageerada dad badan oo reer Hindiya ah.
Dumar Muslimiin ah ayaa kusoo baxay tirooyin aad u badan, waxayna u mudaharaadayeen si nabadgalyo ah, inkastoo dad kale oo kasoo kala jeeda qeybo ka mid ah waddanka ay garab taagnaayeen.
Haweenkan waxay isu aqriyaneen qodobbada dastuurka qaranka, iyagoo sameynayay hadallo ay ku xaqiijinayaan sida ay dhalashada u mudan yihiin, waxayna sidoo kale qaadayeen heeso waddani ah.