Dr. Abdirizak Yusuf Ahmed oo ah La-taliyah Nidaamka Tayada Caafimaadka ayaa warbixin kooban siiyay bulshada isaga oo ka war bixiyay xaladaha ka soo kordhay Isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho oo ah xarunta loo asteeyay daaweynta COVID-19.
24kii saac ee ugu danbeeyay, Isbitaalka wqxaa ku dhintay 9 bukaan ah (5 ay aheed bukaan jiif, halka 4ta kale ay ku geeriyoodeen qeybta gargaarka deg-degga). 9-ka qof ee dhintay 1 qof ayaa u dhintay COVID-19, 1 ma qabin cudurka (negative), halka 7da kale ay sugayeen jawaabta barista.
Guud ahaan Isbitaalka De Martini waxaa jiifa 28 bukaan.
Waxaan bulshada u sheegaynaa baaxadda cudurka iyo qatartiisa loona baahanyahay in ay ka taxadaraan lana yimaadaan siyaabaha looga hortago caabuqa.
Isbitaallada gaarka loo leeyahay waxaan ugu baaqeynaa in bukaannada leh astaamaha cudurka safmarka COVID-19 ay xilli hore u soo gudbiyaan Isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho ayna sugin bukaanka ilaa xaaladiisa ay noqto garaab.

Laga Helay: 44
Benadir: 40
Puntland: 4
Lab: 35
Dhedig: 9
Bogsasho: 4
Dhimasho: 3
Tirada Guud Laga Helay: 480
Bogsashada Guud: 14
Dhimashada Guud: 26