Aad iyo aad ayuu u yaabay wuuna ka kiciyay hurdadii, markaasuu weydiiyay ‘Ninyahow Adigu yaa tahay?’ ninkii muslimka ahaa ayaa ugu jawaabay ‘waxaan ahay muslim..!’ ninkii gaalka ahaa ayaa weydiiyay ‘Muslimku ma sidan fudud ayuu u seexdaa?!’ ninkii muslimka ahaa ayaa jawaab ka siiyay, iyadoo sheekadoodiina ay sii socotay.
Ninka gaalka ah ayaa u sheegay ninka muslimka ah inuu muddo raadinayay si uu hurdo ku helo, waxaa uuna u sheegay inuu dawooyin badan u isticmaalay sidii uu u hurdo ku heli lahaa awgeed.
Ninkii markii uu xaaladaas la kulmay ka dib ayuu aaday Markaz Islaami ah,waxaana halkaas uu kaga dhawaaqay Kalimadda Diinta Islaamka lagu soo galo ee Shahaadateynka, iyadoo halkaas lagu baray sida loo tukado.
Habeenkii ayuu seexday Markazka waxaana la tusiyay ama la baray qaabka muslimiintu u seexdaan oo ah in dhanka midigta loo seexdo, ducooyinna la aqriyo, intaa markii loo dhameeyay ayuu la dhacay hurdo aad u macaan.
Waxaa dhacday in loo kiciyay Salaaddii Subax, markaas ayuu ku yiri ‘Maya..maya ha i kicinina..!’ waxuuna dadkii kiciyay u sheegay inuu ka cabsanayo ama ka baqayo inuusan mar dambe hurdo helin haduu kaco, balse raggii kicinayay ayaa ku yiri ’Waad seexan doontaaye kac, hadda waxaa la joogaa xilligii salaadda..!’.
Sidii ayuu ku kacay oo Salaaddii ku tukaday, balse markii Salaadda uu tukaday ayuu damcay inuu seexdo,waxaa lagu yiri ‘sug sug waxyar waxaa inoo dhiman inaan ducooyinka Subaxda aqrisanno, kadibna Shuruuqda aan u fariisanno, kadib ayaad hurdo dheer seexaneysaa Insha’allaah..!’.
Waxaa diyaariyey walalkiina
Zakariye dhr awil