Culimada Carabta ma waxaa loo shaqaaleysiiyay in ay xayeysiiyaan heshiiska Israa'iil?
Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys
Laga bilaabo Sucuudiga illaa Imaaratka Carabta, culimada ku sugan halkaas waxay u muuqdaan kuwa ka hadlaya xiriirka Israa'iil iyo Carabta, waxayna u xayeysiinayaa si aad u sareysa, si ay u xoojiyaan saameynta ha'yadaha diinta ee dalalka Carabta.
Culimada waxayna ka mid yihiin ha'yadaha dowladda ee wax ka baddalaya fatwada iyo go'aanada arrimaha diinta ay soo saaraan, sida ay rumeysan yihiin dad badan oo dusha kala socda xaaladaha gobolka.
Sheekh Sudeys iyo Sheekh Wasiim Yuusuf
Dhawaan ayay aheyd markii dadka isticmaala baraha bulshada ay si wayn uga hadlayeen khubaddii Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys ee uu 4-tii bisha September uu ka jeediyay Xaramka Makah, taas oo uu kaga hadlay xiriirka nebi Maxamed NNKH uu la lahaa Yuhuudda. Dadka qaar waxay sheegayaan in khudbaddaas ay gogol dhac u aheyd xiriirka Israa'iil iyo Sacuudiga.
Dad ka soo horjeeda in dalalka Carabta ay xiriir la yeeshaan Israa'iil, waxay sheegayaan in khudbadda Sheekha aysan ka turjumeyn fikaraddiisa gaarka ah ama tan diinta, balse uu isaga matalayo dowladda jirta gaar ahaan marka la fiiriyo xiriirka ka dhexeeyo dowladda iyo ha'yadaha arrimaha diinta qaabilsan ee Sacuudi Carbiya. Dadka qaar waxay is wedinayaan, sidee dowladda wax uga baddali kartaa aragtida ha'yadaha diiniga ah?
Marka la eego dhinaca Imaaraatka Carabta oo ku dhawaaqay in xiriir uu la yeeshay Israa'iil, Sheekh Waasim Yuusuf oo xiriir dhaw la leh dowladda ayaa hadal heyn ka dhex dhaliyay baraha bulshada.
Sheekha waxay aragtidiisa tahay in xoojinta xiriirka Israa'iil ay tahay tallaabada ugu wanaagsan, sida uu ku qoray barta uu Twitter-ka ku leeyahay.
Weli sheekha wuxuu Twitter-ka soo dhigayay qoraallo dhowr ah oo ku saabsan arrintaas, wuxuu rumeysan yahay in xiriirka Israa'iil uu xal nabadeed u noqon karo qadiyadda Falastiin.
Sheekh Wassin Yuusuf
Sheekh Waasim Yuusuf wuxuu sidoo kale sheegay in Israa'iil aysan mas'uul ka aheyn dhibaatooyinka ka dhacay dalalka Carabta.
"Israa'iil ma aysan qarxin masaajid, ma aysan abuurin khilaafka ka dhex taagan Suniyiinta iyo Shiicada, ma aysan gubin kaniisadaha ku yaalla Carabta. Kuwa sameeyay dhibaatooyinkaas waa inaga."
Waasim Yuusuf wuxuu bartiisa Twitter-ka ku weeraray kacdoonkii Carabta oo uu ku tilmaamay "Kacdoonkii waalnaa", wuxuuna taageerayaasha Xisbullaah iyo Ikhwaanul Muslimiin ku eedeeyay in ay yihiin dadka colaadda ka dhex abuuray gobolka.